Guddoomiye Abwaan Cabdirashiid oo mar kale xaqiijiyay kursigiisi xildhibaan ee Baarlamanka cusub

Guddoomiyihii golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mar kale xaqiijiyay kursigiisa xildhibaanimo ee Baarlamanka cusub sida ay tilmaamayaan warar hordhac ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdirashiid uu mar kale ka soo muuqaan doono liiska sagaalka xildhibaan ee laga soo doorto Sanaag iyo Haylaan.

Liiska sagaalka xubnood ee ka imaanaya Sanaag iyo Haylaan ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada iyo ansixinta Baarlamanka Puntland.

Dhinaca kale weli ma cadda in Abwaan Cabdirashiid uu mar kale u tartamayo kursigiisi guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland iyo in kale inkastoo hadal-hayntaasi jirto.

PUNTLAND POST