Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa diidma ka muujiyay guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Deni.
Madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in aan wax talo ah laga siin magacaabista guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada 2024.
Mudane Karaash ayaa sidoo kale sheegay in magacaabista guddiga aysan waafaqsanayn dhammaan habraacyada soo jireenka ah ee lagu maamulay doorashooyinkii ka qabsoomay Puntland.
“Guddigan waxay baalmarsan yihiin dhammaan habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo maamulay doorashooyinkii Puntland ka qabsoomay ” ayuu yiri Axmed Karaash.
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay xubnaha guddiga la magacaabay kuwa aan dhex-dhexaad ahayn oo tuhun badan ku jiro islamarkaana la aqbali kadin.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaas raaciyay in isaga ay waxaa mar walba ka go’antahay qabsoomidda doorasho hufan ah oo heshiis lagu yahay kuna dhacda wakhtigeeda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.