Israa’iil oo xalay duqayma xooggan ka fulisay goobaha Rayidka ee Marinka Qasa

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo xiriir ah xalay ka fuliyay marinka Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana duqeymahaasi ay sababeen khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray dadka reer Falastiin .

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaysay dhisme ay degan yihiin qoysas oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gaza, waxaana halkaasi ka dhacay khasaare aan la cayimin oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Weerar kale oo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen guri ku yaalla xerada Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza ,kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhakhaatiirta iyo dadka barokacay ee ku sugan cisbitaalka Dar Essalam ee Khan Younis ayaa diray baaqyo murugo leh si loo joojiyo duqeymaha culus ee Israel ay ku hayso isbitaalka, Wafa ayaa intaa ku ku daray.

Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaan wali cadeyn tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloobay duqeymaha habeenkii xalay ay Israel ka geysatay marinka Qaza.

Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka milatari ee ay ku hayso marinka Qaza Jimcihii ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo ay hakad ku jirtay bini’aadantinimo oo ay kula jirtay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Ugu yaraan 15,899 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 42,000 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarro cir iyo dhul ah oo aan joogsi lahayn oo lagu qaaday deegaankaas tan iyo 7-dii Oktoobar ka dib weerar xudduuddeed oo ay qaadeen Xamaas.

Dhimashada Israa’iil ee weerarka Xamaas ayaa gaartay 1,200, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah.

PUNTLAND POST