Madaxtooyada Puntland ayaa ka warbixisay Kulankii maanta dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka uu qaabilay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Ambs. Michael Nithavrianakis.
Kulanka ay xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Ingiriiska waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowladda Puntland.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Kulanka labada mas’uul looga hadlay dhammaystirka Hannaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah iyo dardar gelinta Mashaariic Horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.
“Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland” ayay sheegtay Madaxtooyada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.