Golaha Fulinta SSC-Khaatumo oo maanta kulan gaar ah yeeshay

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa shir-guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Fulinta maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Golaha Fulinta, Agaasimayaasha cusub ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo Afhayeenka Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dhammaystirka shaqooyinka Maamulka iyo sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa faray Agaasimayaasha cusub in ay si degdeg ah ula wareegaan shaqooyinka loo igmaday islamarkaana dedejiyaan adeeg bixinta Xafiisyada ay ka masuulka ka yihiin.

Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa shacabka SSC-Khaatumo uga mahadceliyey isgarabtaagga Maamulkooda, isagoona ugu baaqay in shacabku sii laban laabaan taageeradooda, si dhawna ula  shaqeeyaan Maamulka SSC-Khaatumo.

PUNTLAND POST