Suudaan oo dalbatay in la xiro Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee dalkeeda

Dowladda Suudaan ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay khamiistii in ay si dhakhso ah u joojiso howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas ee (UNITAMS).

“Dowladda Suudaan waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in si deg-deg ah loo joojiyo howlgalka UNITAMS” sidaas waxa yiri ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Cali Sadeq.

“Ujeeddadii loo aasaasay howlgalkan wuxuu ahaa in la caawiyo dowladdii ku meel gaarka ah ee Suudaan kadib kacdoonkii Diseembar 2018” ayuu sii raaciyay Cali Sadeq oo warqad u diray Qaramada Midoobay.

Af-hayeenka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric oo mar wax laga weydiiyay go’aanka Suudaan ayaa sheegay in farriintaasi ay soo gaartay oo loo qeybiyay Golaha Amaanka.

PUNTLAND POST