Bara-kac ka bilowday Oog iyo Ceel-dhaab kadib dagaalkii Buq-dharkayn

Degaannada Oog iyo Ceeldhaab ayaa sida wararku sheegayaan bara-kac ka bilowday gelinkii danbe ee maanta kadib dagaalka ka soo cusboonaaday galbeedka Sool.

Qaar kamid ah shacabkii ku dhaqnaa Oog iyo Ceel-dhaab ayaa u bara-kacay tuulooyin miyi ah oo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana masaafo durugsan ka xiga dhinaca waqooyi.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in magaalada Caynaba laga dareemay bara-kac oo ay jiraan shacab uga baxay dhanka waqooyi si ay uga fogaadaan saamaynta dagaalka.

Xaaladdan ayaa ka danbaysay kadib markii maanta ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland uu dagaal beeleed ku dhexmaray degaanka Buq-dharkayn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sool.

Dagaalka labada dhinac oo saacado badan socday ayaa lagu soo warramayaa in dhinaca Somaliland lagaga qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis uu ku jiro sarkaal sare.

PUNTLAND POST