Wararkii u danbeeyay ee khasaaraha ka dhashay duqaynta Israa’iil ee marinka Qasa

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa shaacisay in ciidamada Israa’iil oo xalay duqeeyay xero qaxooti ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof oo rayid ah.

Weerar kale oo dhacay ayay sidoo kale sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin in  lagu dilay 21 falastiiniyiin ah oo dhammaantood hal qoys ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Bambaanooyinka ayaa si isdaba joog ah ugu hoobanaya agagaarka isbitaalka al-Quds ee Qasa, halkaas oo gabbaad u ah ku dhawaad ​​14,000 oo Falastiiniyiin ah.

Kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa sidoo kale awoodi waayay in ay badbaadinta rayidka sii wadaan sababa la xiriira duqeymaha is daba-jooga ah ee socda.

Dhimashada guud ee shacabka ku go’doonsan marinka Qasa ayaa kor u dhaaftay 9500 oo qof halka dhaawacyada la diiwaan-geliyay ka badan yihiin 24,000 kun oo ruux.

PUNTLAND POST