Garoowe: Baaq laga soo saaray doorashada Puntland ee 2024

Saddex kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo hore shuraako ula ahaa xukuumadda Siciid Deni ayaa war ka soo saaray arrimaha doorashada 2024.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen saddexda xisbi ayay ku baaqeen doorashada madaxtinimada Puntland lagu qabto wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jannaayo 2024.

Xisbiyada ayaa soo jeediyay in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkisu ay u dhacdo si baarlamaani ah, oo xildhibaanada la soo doortey ay doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen in meesha laga saaro doorashada Madaxweynaha iyo ku-xgeenkiisa in lagu galo mid dadweyne kadib isbeddelkii lagu sameeyey dastuurka, kaas oo aan loo marin habraac sax ah.

“Waxaan soo jeedineynaa in aan adkeyno nabadda, laga dheeraado hadalada xanafta leh ee warbaahinta la isu marinaayo” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

PUNTLAND POST