Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ku caddaysay Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo oo uu hoggaamiyo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maamullada Somaliland iyo SSC-Khaatumo in ay Khilaafkooda ku dhammeeyaan Wada-hadal islamarkaana is dhaafsadaan Maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood.
“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Soomalilaan iyo Maamulka SSC-Khaatumo in ay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan labada dhinac, waxayna Xukuumadda Federaalku diyaar u tahay in ay fududayso hawlaha arrintaas ka xidhiidha” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
“Xukuumadda Federaalku waxay markasta ku baaqaysaa gacanna ka gaysanaysaa dedaal kasta oo nabad iyo xasillooni ku soo dabbaalaya deegaankaas. Iyadoo wixii khilaaf ah na lagu dhammaynayo wadahadal iyo wada xaajood” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday hay’adaha dowladda, bulshada Soomaliyeed iyo beesha Caalamka in ay gargaar bani’aadnimo oo degdeg ah geeyaan deegannada SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.