Wararkii u danbeeyay ee qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in uu halkaas caawa ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay banaanka Maqaayada Blue Sky ee magaalada Muqdisho.

Maqaayadda ayaa ku taala meel u dhow Taalada Xaawa Taako iyo xarunta Tiyaatarka qaranka waana bar Koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada qaranka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay agaasimihii Telefishinka SomaliCable, Cabdifitaax Macallin Nuur halka dad kalena ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST