Guddiyo ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo kormeer ku tegay Magaalooyinka Qardho iyo Dhahar

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka & Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta safar shaqo waxay ku tageen Gobollada Haylaan iyo Karkaar, iyagoo u kuurgalay Xaaladaha guud ee Goboladaas.

Guddiyadda oo ugu horeyn tagay magaalada Dhahar ee Gobolka haylaan ayaa waxay kulan la qaateen Guddoomiyaha Gobolka, Duqa degmada, Xoghayaha Dawladda hoose, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka, Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer-ilaaliayaha, qaar kamid ah Xildhibaanada Degmada dhahar iyo Isudu-waayaasha heer Gobol.

Waxayna mas’uuliyiintu Guddiyadda uga warbixiyeen Xaalada guud ee Gobolka, caqabadaha iyo baahiyaha jira, waxaana ugu dambeyn Guddiyaddu ay kormeer ku sameeyeen saldhiga Degmada Dhahar.

Dhanka, kale Guddiyadda ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, waxayna kulan la qaateen Madaxda Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka karkaar, iyadoo  Xisaabiyaha Gobolku uu ka warbixiyey habka shaqadu u socoto,  gaar ahaan uruurinta dakhliga, Wax-soosaarka iyo Canshuuraha Gobolka Karkaar.