Puntland oo gacanta ku dhigtay xubin ajnabi ah oo ka tirsan Daacish

Ciidanka Booliska dowladda Puntpand ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan xubin ajnabi ah oo ka tirsan argagixisada Daacish.

Hawlgal qorshaysan oo Booliska Puntland ka fuliyeen nawaaxiga degmada Ufayn ee Gobolka Bari ayay ku qabteen Axmed Xuseen Ibraahim oo ka tirsan Daacish.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in xubinta Hawlgalkas lagu qabtay uu ka soo jeedo dalka Suudaan.

“Hawl-galka oo laga fuliyey Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Degmadda Uffeyn ayaa lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in maleeshiyaadka Daacish ay kordhiyeen xubnaha ajaanibta ah ee uga imaanaya dibadda si ay uga garab-dagaallamaan.

PUNTLAND POST