Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Maanta booqasho ku tegay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Gen. Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha dalka.
Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta.
Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa booqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.