Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Jubaland

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Jubaland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyay isku shaandhaynta golaha xukuumadda Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa magacaabay sagaal wasiir, lix wasiir ku xigeen iyo hal wasiiru-dowle, sida ay muujinayso wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa.

Wasiirarada la magacaabay waxaa kamid ah warfaafinta, Kalluumeysiga, hawlaha guud, caddaaladda, gargaarka iyo sidoo kale ganacsiga.

Halkaan ka akhriso isku shaandhaynta

PUNTLAND POST