Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay

Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa shaqa joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaraddaas.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa shaqada lagaga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Sharma’arke Yaasiin Cali.

Warqadda shaqa joojinta ayaa lagu caddeeyay in agaasime Sharma’arke Yaasiin uu sameeyay amar diido aan sharciga waafaqsanayn taas oo lumisay kala danbayntii wasaaradda.

Warar madax bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in khilaaf xooggan oo ka dhex taagan wasiirka iyo agaasimaha uu sababay shaqa-joojinta.

PUNTLAND POST