Xil. Cabdiqani Dhaashane oo isaga baxay xisbiga Xukuumadda Puntland ee KAAH

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamanka dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba isaga baxay xisbiga xukuumadda ee KAAH.

Qoraal kooban oo uu xildhibaan Dhaashane u diray xisbiga xukuumadda ee Kaah ayuu ku caddeeyay in uu iska casilay kamid ahaanshaha golaha dhexe ee Kaah.

Cabdiqani Dhaashane ayaa sidoo kale caddeeyay in uu gebi ahaanba isaga baxay xisbiga Kaah sababa isaga u gaar ah dartood balse sharraxaad kama bixin.

Wararka madax-bannaan ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Dhaashane uu ku biirayo xisbiga Shaqaalaha ee Puntland si uu guddoomiye uga noqdo.

PUNTLAND POST