Anthony Blinken oo booqasho aan hore loo shaacin ku tegay caasimadda Ukraine

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine.

Blinken ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, iyo madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, iyadoo la filayo in uu ku dhawaaqo xirmo cusub oo kaalmo mileteri, taasoo gaareysa $175m-$200m inta lagu guda jiro booqashada labada maalmood ah.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay wax yar uun ka dib markii Zelenskiy uu shaqada ka eryay wasiirkii gaashaandhiga horaantii todobaadkan iyada oo ay jirtay fadeexado musuqmaasuq oo la xiriiray soo iibinta qalabka milatariga.

Warbaahinta Mareykanka ayaa si joogta ah u soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, kuwaas oo dhaleeceynaya qaabka ay u socdaan weerarada rogaal celiska ah ee ay qaadayaan ciidamada Ukrine.

Saacado ka hor inta uusan Blinken gaarin Ukrine, Ruushka ayaa bilaabay mowjado gantaallo ah oo lala beegsanaayo  caasimadda Ukrine,waxayna saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay soo rideen oo ay ka hortageen gantaallo kuwa Droniska ah.

PUNTLAND POST