Rajadii laga qabay in ay dhawaan Gaalkacyo ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Puntland Siciid Deni ayaa sida la sheegayo meesha ka baxday.
Madaxweynaha Puntland oo weli ku maqan safar dibadda ah ayaa wararku sheegayaan in uu ka baaqday socdaalkii uu ku imaan lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa lagu wadaa in uu gelinka hore ee jimcaha berri ah u safro Gaalkacyo halkaas oo uu ka furayo Koobka Gobollada Puntland.
Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Nairobi uu toos u aadi doono caasimadda Puntland ee Garoowe.
Arrintaas ayaa meesha ka saaraysa hadal-hayntii sheegaysay in Siciid Deni iyo Xasan Shiikh ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Gaalkacyo si ay uga wada-hadlaan khilaafka labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.