Shir ku saabsan Amniga Gobolka Karkaar oo lagu qabtay Qardho

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan Taaliyaha Qeybta Booliska Gobalka Karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa shir-guddoomiyey kulanka Amniga Gobolka Karkaar ee Puntland.

Shirka ayaa maanta waxaa qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaar, Ku Xigeenka Duqa Degmada Qrdho, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Duqa Degmada Bandar-Beyla Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobalka.

Shirkan oo mudo socday ayaa laga soo saaray qodobo wax-tar uleh Amniga iyo ka hortagista kuwa cadeestay ka ganacsiga mandooriyaha iyo Ciyaal weerada dhibta ku haaya shacabka.

Taliyaha Qeybta Bolka Karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay xoojin doonaan sugidda Nabadgelyada Degmada iyo tan Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka karkaar ee Puntland ahna Guddoomiyaha Gudiga Amniga heer Gobol ayaa isna sheegay in la xoojin doono amniga guud ee gobalka iyo howlgallada looga hortagaayo kuwa dhibaatada ku hayaa magaalada qardho.

PUNTLAND POST