Cabdiweli Gaas oo taageeray maamulka cusub ee loo doortay SSC-khaatumo

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee loo doortay SSC-khaatumo.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in jidka keliya oo cid kasta u furan uu yahay in SSC-khaatumo lagu taageero dhammaystirka maamulkooda si ay u noqdaan dowlad goboleed rasmi ah.

“Haddii la yiraahdo dadkan iyaga xaq u leh im ay gaar u istaagaan oo maamulkooda samaystaan intaas ma cid lagu dulmiyayo ayaa jirta waa wax ay xaq u lee yihiin waana in lagu taageero” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

“Maanta hadday u istaageen in ay dhulkooda xoraystaan oo maamul dhistaan hadal kale oo furan oo ka soo laaban karaa ma jiro waa in lagu taageero oo keliya” ayuu sii raaciyay madaxweynihii hore ee Puntland.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha maamulka Khaatumo uu meesha ka saari doono murankii dhuleed ee ka taagnaa degaannada SSC.

PUNTLAND POST