Somaliland: Jabhadda buurta Gacan-libaax oo dishay 9 askari, 17 kalena dhaawacday

Jabhadda buurta Gacan-libaax ayaa maanta dilay 9 askari oo ka tirsan booliska Somaliland, halka ay dhaawaceeen 17 kale, kaddib dagaal maanta ka dhacay deegaanka Go’da yar ee gobolka Saaxil, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha booliska maamulkaas Gen. Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Taliye Dabagale ayaa sheegay in ciidankaas weerar jidgooyo ah lagu laalay, wuxuuna xusay in aanay qabin amar ah in ay dagaallamaan, balse wixii hadda ka dambeeya ay haystaan amarka ah in ay jabhaddaas la dagaalamaan.

“9 askri ayey dileen, 17 kalena waa dhaawaceen, caawa laga bilaabo waan ka dagaallamaynaa awal ma haysan amar” ayuu yiri taliye Dabagale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku eedeeyey musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro inuu isagu jabhadda buurta saaray, Kaahin oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arrintaas caddaynteeda xukuumadda Somaliland hayso.

Isla caawa waxyar uun ka hor hadalka wasiir Kaahin, waxaa isna warbaahinta ka hadlay musharax Cirro oo Xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay in ay nabadda fursad siiyo ayna ka soo qaaddo ciidanka ay jabhadda dul-geysay, halka jabhaddana uu uga baaqay in ay qoriga dhigaan.

PUNTLAND POST