Maxkamadda Sare ee Puntland oo muddaysay dhageysiga dacwad dastuuri ah

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa mudsaysay dhageysiga dacwad dastuur ah oo gudbiyeen 8 xubnood oo baarlmaaanka laga saaray bishii December ee sanadkii 2020.

Warqad ka soo baxday guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr. Xasan Yuusuf Nuur ayaa lagu xusay in kiiskan la dhageysan doono mar ay taariikhdu ku beegan tahay 9/8/ 2023.

Shan xubnood oo ka mid ah xubnaha laga saaray baarlamaanla Puntland ayaa 8 bishii May dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Puntland, iyagoo sheegay in ay sharci darro ahayd qaabkii looga qaaday xasaanadda.

Maxkamadda Sare ee Puntland waxaa horyaalla dacwado dastuuri ah oo la filanayo in ay go’aan ka gaarto, waxaana ka mid ah dacwado ay dhinacyo kala duwan ka gudbiyeen furista dastuurka.

PUNTLAND POST