Jaamac Yaasiin Warsame oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo

Magaalada Laascaanood waxaa Maanta lagu doortay Shir-guddoonka Golaha dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo waxa u tartamay laba musharrax oo kala ah Jaamac Yaasiin Warsame iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.

Xubnaha codaynayay oo ka kooban 45 xubnood ayaa 25 kamid ah codka siisay Jaamac Yaasiin halka 20-kii kale u codaysay Maxamuud Yuusuf oo la tartamayay

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxa sidaas loogu mudane Jaamac Yaasiin Warsame halka Guddoomiye ku xigeenka loo doortay Jaamac Aadan Cismaan oo aysan cidna la tartamin.

PUNTLAND POST