Urur siyaasadeedka Mideeye mowqif ka istaagay xaaladda hubanti la’aanta ah ee ka jirta Puntland

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa war rasmi ah ka soo saaray xaaladda hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayaa looga hadlay mowqifka ururka ee furista Dastuurka Puntland iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira.

Ururka Mideeye waxa uu si cad uga horyimid qorshaha qalalaasaha sababay ee xukuumadda Puntland ku doonayso furista Dastuurka si wax ka beddel loogu sameeyo.

Mideeye ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu furista Dastuurka ku raadinayo mudda kororsi  sharci-darro ah oo Puntland u horseedi kara xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST