Gavin ujeeddadiisu waa dhameystirka qorshihii guumeystihii ka tegay!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Haddii uu Ingiriisku ahaan jiray boqortooyo aysan qoraxda ka dhicin innagu kuwii beeniyay baan ahayn!

Ingiriis wuxuu wali daba joogaa raad uu dhaxlay, iyo gacan haadin gudaha Soomaaliya ka jirta! Baarlamaanka ingiriisku maalin kasta wuxuu shaqo ka dhigtay inuu ka hadlo Somaliland waxa loogu yeero oo waliba ah magac asalkiisii hore ku yimid ama ku baxay inuu isagu gobollada woqooyi ee Soomaaliya hantiyay!… Baarlamaanka Ingiriiska wax kale iyo arrimo dalal kale loogama doodo keliya dalka uu ka hadlo waa Soomaaliya iyo kala qeybinteeda! Wuxuuna wakiil u yahay cadow badan oo is huwan oo Soomaaliya ku soo wajahan. Ingiriis inuu yahay cadowga Soomaaliya arrin cusub innaguma aha, waxaan ognahay oo wali aan u kala qaaranahay sidii uu inoo kala jarjaray isagoo ujeeddadiisu tahay yeeysan noqon cudud mideysan, taasoo runtii dhibaatadeeda iyo xanuunkeeda wali taaganyahay, Ingiriis inkasta oo uusan wax wanaag ah u gelin dalalka dunida haddana waxaa la oran karaa Soomaaliya inay tahay meesha keliya ee uu ma-hadhada uga tegay!….Hasa yeeshee waxa maanta baarlamanka Ingiriisku wado wuxuu sii kordhinayaa cadaawadda iyo colaadda aan u qabno iyo hadba inuu ina soo xasuusiyo wixii ay dadka Soomaaliyeed dhibaato soo mariyeen ama u geysteen, doodaha baarlamaankiisa waxaa ku jira qorshayaal badan oo is huwan oo dhammaantood ay ujeeddadoodu tahay mid wali daba socota sababihii Richard Burton uu Berbera u yimid 1885kii, balse Soomaalidu waligeed kibir ma yeelin Ingiriis iyo kuwo uu soo adeegsadeyna ma quursan!

Mid waa arrin iska cad, waa arrin la yaqaan, inay jiraan kuwo cadowga Soomaaliyeed u adeega oo iyagu mar kasta ku daaban cadowgaas sida nimanka hadda maamula waxa loogu yeero Somaliland!… waxaa iyadana shaki la’aan ah in ay jiraan sababo muhiim ah oo xilligan in baarlamaanka Ingiriiska inuu ka hadlo arrintan keenay oo ay ugu horeyso dagaalka gobolka Sool ka socda oo walaac ku abuuray dalka Ingiriiska isla markaasna qorshayaashiisii aqoonsiga iyo dhiraandhirintii uu doonayay inuu aqoonsi buuxa ku gaarsiiyo Somaliland shaki geliyay, maxaa yeelay Ingiriiska wuxuu doonayay in Somaliland uu aqoonsado laakiin looga horeeyo, oo Djibouti, Taiwan, Kenya, iyo Itoobiya ayaa ahaa dalalka uu ka filan karayay in aqoonsigaas uu ka imaanayo, iyadoo sida hadda soo baxaysa lays oran karo Djibouti qeyb weyn bay ka ahayd/tahay ololaha in gobollada woqooyi dalka Soomaaliya ay ka go’aan… dalal uu isaga (waa Ingiriiskee) wax u soo sheegay inay uga horeyaan ka dibna uu sidaas isaga oo aan la tuhmeyn ku aqoonsado, laakiin waxaa arrinta soo dedejiyay oo ku simi waayay xaaladaha soo kordhay iyo dagaalka ilaa iyo hadda sida muuqata looga gacan sareeyo kooxda Ingiriiska u adeegta ee uu hoggaaminayo Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna Ingiriiska aad uga walaacsanyahay in dagaalkaas lagu jebiyo Muuse Biixi (Muuse British) halkaasna uu ku baaba’o qorshihii muddada dheer riyadiisu ahayd. Ingiriiska intii waxa Somaliland loogu yeero ay ku dhawaaqday kooxda burcadda ah ee rabtay inay gobollada Woqooyi ka goyso dalka intiisa kale wuxuu si buuxdo isu garab taagay kooxdaas, isagoo dhinaca kasta ka dhisay siiba taba-barka ciidadammada iyo qalabkooda.

Haddii Ingiriisku ahaan jiray boqortooyo aysan qoraxda ka dhicin innaguna waxaan ahayn kuwii beeniyayay ee diiday in qoraxda Soomaaliya ay calan kale oo aan ahayn midka Soomaaliya dushiisa ka soo baxdo! Wali waan ognahay inay godobteena Ingiriiska ku maqantahay, wali waan xasuusanahay sida uu Ingiriis inta dadkeena u kala irdheeyay uu dalkeenii ugu hadiyeeyay dalalka deriska ah, isla mar ahaantaasna dalalkii cadowga inoo ahaa uu inoogu naaxiyay! Wali waan xasuusanahay hagardaamooyinka ragaadiyaya dalkeena… Geelu habeedda qaarka dambe kaga taalaa waa caado lagu yaqaan, sidaasoo kalana guumeystaha caadada lagu yaqaan waa inay mar kasta ku hamiyaan in dad iyo dal aysan lahayn ay qabsadaan ama kala qeybiyaan! Sida ninka lagu darajeeyay Sir ee Gavin Williamson! Waase is weyddiinee maanta oo lagu jiro qarniga 21aad Soomaalidu ma noqoneysaa dadaan aqoon ama aan garaneyn shirqoollada iyo dhagarta guumeystuhu u mareegayo?!…Jawaabtu waa mid iska cad oo waa MAYA umana baahna faahfaahin. In badan oo ilmaha yar-yar ee Afrika, ma aha Soomaali keliya, awoowayaashood waxay u dhinteen sabab uu guumeystahii Ingiriisku lahaa oo wali illaa iyo hadda ay maalin kasta u dhimanayaan, agoon u noqonayaan, haddiiba aysan gacantooda ku dhiman!

Gavin, waxa ka hadalsiinaya iyo lixo jeclaha gaarka ah ee uu u qabo Somalilandnimmada bal adigu ka feker!…Waa Been! Waa Beenlow Faalalow! Wuxuu ku leeyahay “Waxaa la gaaray waqtigii aan aqoonsan lahayn, waqti dheer baan u soo adkeysanay!….” oo maxaa dhibayay oo uu u soo adkeystay?!… Waa gar-daro bareer ah iyo xad gudub, muxuu u soo adkeystay? ma Soomaalaa dhibtay?!…ma innaga ayuu innaga jecleyahay dadka Soomaaliyeed ee gobolladaaas ku nool?! Maxay isaga isu yihiin dadkaas?! Maxayse kala yihiin dadkaas iyo kuwa uu doonayo in laga gooyo?! Marka aad weydiimahaas jawaabtooda ogaato, waxaa kuu soo baxay Gavin Williamson inuu yahay nin magac iyo libin ku raadinaya inuu dad guumeysto! Si xun wax u sheeg sixiroole ah oo u soo faashaday inuu meel mariyo qorshayaashii uu madaxa ku hayay ee ay daraawiishta ka diiday! SHacab-weynaha Soomaaliyeed wali waa gobanimo doon, wali salka dhulka ma dhigin, waxayna indhaha ku hayaan cadaawadda Gavin Williamson iyo inta la caqliga ah!… Williamson, ma wuxuu ku riyoonayaa inuu maxmiyad cusub Soomaaliya ka sameeyo?!…

Midda aan la qaadan karin waxay tahay in ninkaan uuba inkirsanyahay dalka uu ka hadlayo inuu yahay dal xor ah oo ummad xor ah ay leedahay, sidaa aawadeed wuxuu leeyahay oo ku doodayaa “… Somailand waa dal nabad ah, dimuqraaddi ah, hay’adihii garsoorka u dhameystiranyihiin, wixii aan rabnay oo dhanna sameeyayay, marka waa inaan ku baal marina inaan aqoonsano!….”  Doqonka sidaas u hadlaya, ee soo halabsanaya iyo 10 xubnood oo kale oo ka tirsan xisbiga Conservative -ka  ee xukuma dalka Ingiriiska ayaa talaadadii soo jeedintaas u gudbiyay baarlamaanka Ingiriiska, waan markii labaad oo ninkaas soo jeedinayo inuu Ingiriiska waxa Somaliland loogu yeero u aqoonsado dowlad ka madax bannaan dalka Soomaaliya!….nin baa laga sheegay “war waxaas day” markaasaa midkii kalana yiri “war waxaas u kaadiyoo waxa ka sokeeya day!” Hadda Gavin Williamson baynu ka hadleynaa, balse aan is weyddiinee aaway dowladdii Soomaaliyeed ee dalkaan dulaaleyda iyo hororka isugu habar wacdeen iska lahayd?!… Xasan SHiikh Maxamuud isagu dalka wuxuu leeyahay madax-weynaan ka ahay laakiin si cad oo aan qarsoodi lahayn buu raali uga yahay dalku kala go’, waana sababta Muuse Biixi iyo kuwa la caqliga ah ay u quusan la’yihiin!….Xasan wuu caddeystay inuu dhaartii  iyo aaminaaddii ummaddu aammintay khayaanay!….laakiin maxaa ku dhacay Aadan Madoobe iyo guud ahaan golihii shacabka maxay uga aamusanyihiin arrimaha Sool, Sanaag, iyo Cayn?!….

Waxaa arrin walaaceeda leh ah in golihii shacabka ee baarlamaankii 10aad ee uu guddoominayay Maxamed Cabdi-Raxmaan Mursal ay ku asteysnaayeen inay ammaannadii ummaddu u dhiibatay ay khayaaneen … Baarlamaanka 11aad ee maanta uu guddoominayo Aadan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) ayaa haddana sidii iyo si ka liidata u dayacay ammaannadii ay u dhaarteen!… Siyaasiga Soomaaliyeed ee sida la ogyahay ku yimid, oo aan kala saari karin waxyaabaha camuumiga ah iyo waxyaabha kale! Xataa ilaa iyo hadda aan fahmin muhimmadda midnimmada dalka iyo doorkiisa ku aaddan soo cellinta midnimmadaas! Xil-Dhibaanka aan qiimeyn kareyn khataraha uu wajahayo dalka, dhibaatooyinka dadka ay ku suganyihiin, kuna dul haya dhibaatooyinkaas, miisaanka qura ee uu wax ku cabirayana uu yahay anigu maxaan helayaa?!….SHacabka Soomaaliyeed waa tashanayaa Gavin Williamson iyo Muuse British waa isaga filanyihiin, maamulka SSC waa dhismayaa, shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi iyaguna waa ogyihiin waana garowsanyihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed inay ka mid yihiin. Dadka Soomaaliyeed waa dad nabadeed, waa dad lagu yaqaan dhaqan wanaagsan, ilaalinta xeerarka dowliga ah!…SHacab ahaan, waa dad garanaya waxa ay mudanyihiin Gavin iyo waxa la caqliga ah iyo sida ay u fekeraan, dhaqankoodana kama mid ah inay dulinimo qaataan!…Haa, waa dhab cadowgooda hortiisa bay ku kufeen, waa ogyihiin oo dareensanyihiin, ma dhiman ee waa noolyihiin waa soo jeedaan, burburka dal ahaan iyo dad ahaan soo gaareyna qofnimmadii Soomaaliga waxba kama bedelin, waxaana shaki la’aan ah difaaca dalkooda iyo waajibka ka saaran ilaalinta midnimmada ummadda iyo xudduudaha dalkooda Bad, Berri, Hawadaba inaysan cadow dibad ka yimaada iyo mid gudaha ahba uga baqeyn iyagoo talo saaranaya Eebbe….Soomaaliya waa dad, waa diin, iyo dal Alle ka dhigay isku mid oo aan kala qaybsameyn!….