Jubaland oo walaac xooggan ka muujisay bixitaanka Ciidamada ATMIS

Jubaland ayaa walaac xooggan ka muujisay qorshaha dalka looga saarayo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa qorshahaas ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo fursad siinaya Al-shabaab.

Maxamuud Sayid ayaa sheegay in tallaabadaas ay khatar weyn ku keenayso shacabka ku dhaqan degaannada laga saaro ciidamada ATMIS.

“In la hakiyo ayay ahayd. Marar badan waan codsanay, Madashana way kawada hadleen. Laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS in ay dalka ka baxaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu billaabay dhimista tirada ciidamada si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab ku qaadayso degaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

PUNTLAND POST