Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa xilkii ukala wareejiyay taliyihii hore ee qaybta gobolka karkaar iyo taliyaha cusub.
Munaasabad xilwareejinta waxaa ka qayb galay Xildhibaano katirsan Puntland, saraakiil ciidan,Maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho,Xildhibaano gole deegaanka Qardho, Odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-gallay.
Taliyihii hore ee qaybta gobolka karkaar G/sare Cabdirisaaq ayaa ugu horayn soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu joogay, caqabadaha iyo guulaha la taaban karo ee la gaaray.
Taliyaha Cusub G/Sare Xuseen Cali oo xilka la wareegay ayaa u mahad-naqay Taliyihii hore, waxa uuna shacabka ka codsaday in lala shaqeeyo.
Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdiqaadir Said Qaal, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, odayaasha dhaqanka, xildhibaanada iyo bulshada rayidka ah oo hadlay ayaa xusay in Cabdirisaaq uu shaqa fiican soo qabtay, taliye Xuseen mid kale oo taas ka balaaran ay shacabka Karkaar ka sugayaaan.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Puntland Caydiid Axmed Nuur, Taliye ku xigeenka Asluubta Cabdiqaadir Axmed Khayr Bashka iyo Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa hadlay, waxayna amaan iyo mahad-naq u jeediyeen taliyihii hore, halka ay soo dhaweeyeen Taliyaha Cusub ee la magacaabay G/Sare Xuseen Cali Maxamuud shacabka waxay ka dalbadeen in arimaha Amniga lagala shaqeeyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.