Puntland oo ku baaqday in la hakiyo hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan

Dowladda Puntland ayaa ku baaqday in gebi ahaanba la hakiyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan.

Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, kaas oo sheegay in aysan wax khilaaf ah ka jirin hannaanka deyn cafinta dalka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay hadalkii wasiirka Maaliyadda heer Federaal, kaas oo ahaa in aysan deyn cafintu ku jirin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin dowladda Federaalka iyo Puntland.

“Annagu waxaan lee nahay deyn cafinta hadda sida lagu wado Soomaaliya ayay khatar ku keenaysa. Waxay dalka dib ugu celin kartaa dagaallo ahliya. Waxaan doonaynaa in la hakiyo oo dib loo dhigo miiska wada hadalkana la isugu yimaado” ayuu yiri  Dhabancad.

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale iftiimiyay in hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya aanu socon karin, haddii aan laga heshiin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

PUNTLAND POST