Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa hadal uu xalay jeediyay qayb kamid ah kaga hadlay musuq maasuqa lagu sameeyo hantida umadda.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in aysan dowladda uu hoggaamiyo marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida umadda ee ay mas’uul ka tahay dowladda.
“Dowladda Soomaaliya ma ogolaanayso in waxa yarka ah ee gabadha shaaha jidka ku gadda canshuurta laga qaado in nin inta jeebka ku shubto la baxsado” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
” Xatooyada xoolaha dadweynaha waa xaaraan meel kasta ayay ku qoran tahay diinta Islaamka ee aayadaha Qur’aanka munasalka ah iyo axaadiista shariifka ah” ayuu sii raaciyay.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhinaca kale dadka Soonaaliyeed ka codsaday in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay si loo hirgeliyo adeegyada dowliga ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.