Dagaal xooggan oo dib uga qarxay duleedka Laascaanood

Dagaal aad u xooggan ayaa saaka oo Axad ah ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo ayaa ka socda jihooyin kala duwan oo kamid ah duleedka Laascaanood.

Deryanka noocyada kala duwan ee hubka oo ay ku jiraan qoryaha waaweyn ayaa laga maqlayaa furimaha dagaalka sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale duqaymo ku garaacaya gudaha Laascaanood inkastoo aan weli xog sugan lag helin khasaaraha ka dhashay.

Labada dhinac oo muddooyinkii u danbeeyay ku jiray diyaar-garow dagaal waxaana Somaliland isku dayaysaa in ay dib u qabsato Laascaanood halka SSC doonayaan in ay ciidamada Somaliland ka qabsadaan Gooja-cadde.

PUNTLAND POST