Taliska Booliska Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been-abuur ah oo laga faafiyay amniga caasimadda Garoowe.
Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa lagu beeniyay wararka ku saabsan in khatar amni ay ka jirto Garoowe.
Taliska dadweynaha caasimadda ku wargeliyay in aysan dhegaysan been-abuurka ay faafinayaan shakhsiyaad ay ku tilmaameen cadowga Puntland.
Warkan ayaa soo baxay kadib shir gaar ah oo ay xaaladda Garoowe ka yeesheen guddiga amniga gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka.
“Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan.
Hadalka mas’uuliyiinta ayaa imaanaya iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dhiillo colaadeed ka jirto Garoowe.
Wararkaas been-abuurka ah ee la faafiyay ayaana sababay bara-kac ka bilowday xaafadaha Garoowe qaarkood gaar ahaanna xaafadda Halgan oo dad badani ka guureen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.