Puntland oo taageertay Go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay Go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ahaa in Somaliland Maleeshiyaadka kala baxdo Gobolka Sool islamarkaana kor loo qaado Gargaarka loo fidinayo Shacabka Laascaanood ee uu saameeyay Weerarkii Somaliland ku soo qaaday Laascaanood.

Golaha Ammaanka ayaa dhawaan walaac ka muujiyey colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka sidoo kalena ay ku bara-kaceen in ka badan 150,000 qof. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in Ciidamad Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, kuna boorriyay dhammaan dhinacyada in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo joojiyo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dhammaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya. Waxayna dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.

PUNTLAND POST