Ciidamada Somaliland oo gaadiid dagaal looga furtay dagaal ka socda Laascaanood

Dagaal u dhexeeya maleeshiyaadka Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta xaq u dirirka SSC ayaa ka socda duleedka Laascaanood.

Maleeshiyaadka Somaliland ayaa sida wararku sheegayan weeraray ciidamada difaaca SSC ee ku sugan Laascaanood.

Balse Ciidamada degaanka ayaa iska difaacay duullaanka Taliska Muuse Biixi waxaana maleeshiyaadka Somaliland lagu jebiyay saddex aag sida xogaha lagu helayo.

Ciidamada SSC ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan tekniko ah

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca labada dhinaca weli faahfaahin sugan lagama hayo waxaana weli socda dagaalka.

PUNTLAND POST