Somaliland Waa inay Taariikhda Dib u Eegto Si Colaad Looga Hortago

W.Q. Liibaan A. Axmad

Ra’iisal Wasaare Cigaal wuxuu 1968kii ku eedeeyay Biritayn inay heshiis qarsoodi la saxiixatay Itoobiya si ay u siiso dhul Soomaaliyeed.

Gobolka Sool wuxuu uu eg yahay goob uu dagaal goosasho-doon ihi ka dhici doono. Waa la baajin karaa dagaalkaas; xal dhinacyada is haya ay ku qancaan waa la heli karaa. Xalku wuxuu ka iman karaa isbeddel ku dhaca sida maamulka Somaliland u fekerayo, isbeddelkaas oo horseedi kara in Somaliland ay gaarto guulo diblomaasiyadeed oo Soomaalida oo dhan ay ku diirsato, tustana dunida in Soomaalidu xal u heli karto wax dad badani u arkaan xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Farqi weyn ayaa u dhexeeya marka Somaliland doonayso inay Soomaaliya ka go’odo iyo marka ay aamminsan tahay inay tahay dal jira oo Soomaaliya ka go’ay 1991kii. 2021kii Somaliland waxay ka gudubtay doonista goosasho; waxay u gudubtay isu arkidda dal jira oo dadka aan u dhalan dhulka loo yiqiin Ex-British Somaliland laga tarxiili karo (qasab lagaga barakicin karo) inkastoo Soomaaliya tahay dal Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay dal siyaasad ahaan iyo dhul ahaan midaysan.

Haddii Somaliland isu aragto dal gaar ah waxaa suurtowda inuu dhaco dagaal laga baaqsan karo haddii taariikda dib loo eego. I M Lewis buuggiisa A Modern History of the Somali (bogga 135 daabacaadda afraad) wuxuu ku qoray in dhammaadkii afartameeyadii (1946) ay dad ka mid dadka Hargeysa dega soo jeediyeen in ururkii SYL xafiis looga furo Hargeysa. Dad kale ayaa ka soo horjeestay taladaas waayo waxay SYL ku tilmaameen urur beeleed. Dadka SYL inay ka hawlgasho Hargeysa doonayay waxay ogaayeen in habkii xukunkii dadbanaa (indirect rule) uu u diidayay Soomaalida Waqooyiga inay ururrro gobanimoddoon ah iyo siyaasiyiin yeeshaan: odayaasha ayuu Biritishku ku xukumi jiray Waqooyiga. Siddeed sano kaddib markii qeyb ka mid ah Hargeysa diidday in ururkii SYL uu xafiis ka furto Hargeysa, dowladda Biritayn waxay dhulkii Haud & Reserved Area ku dartay Itoobiya. 

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 1968kii ka khudbeeyay Royal African Society ayaa sheegay in bartamihii Qarnigii Sagaal iyo Tobnaad, dhowr sano kaddib markii Biritayn ay saxiixday heshiisyo ilaalineed ay Itoobiyana si qarsoodi ah heshiisyo ula saxiixatay siisayna qeybo ka mid ah dhulkii ay heshiiska ku gashay inay ilaaliso (“In the middle of the nineteenth century, only a fewyears after Britain had cynically signed flamboyant Treaties of Protection withthe people, it had secretly signed treaties with Ethiopia ceding to thatcountry a portion of those very lands it had undertaken to protect”). 1954kii Koonfurtu waxay ku jirtay gobanimo-gaarsiin (trusteeship). Madaxdeedu waxay lahaayeen culeys siyaasadeed oo  odayaashii Waqooyiga ka arrimmin jiray aysan lahayn. 1959kii mar uu New York safar ku joogay Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise wuxuu la kulmay Madaxweynihii Maraykanka Dwight Eisenhower; wuxuu kala hadlay danaha Soomaalida dhulkooda lagu daray dhul kale iyaga oo aan lala tashanin.

Haddii Cigaal oo ka mid ah aabbayaasha unkay qaranka Soomaaliyeed uu si geesinimo leh kula garramay dowladda Biritayn ma xaq baa in maanta dad Soomaaaliyeed ku doodaan inay bannaanka ka taagan yihiin qarannimada Soomaaliya? Itoobiya waxay ku doodaysay qarannimo: inay ka mid ahayd Ururkii Qaramada (League of Nations) iyo asaasayaashii Qaramada Midoobay (United Nations). Markii dhul Soomaali degto si sharci-darro ah loogu daray Itoobiya  (1954kii) iyo maanta (2023ka) xaalka dunidu waa “afarteeda baallood qiiq baa ka baxaya, waxaa loo baratamayaa boob iyo dhac weeye”, ereyo ka mid ah hees ka mid ahayd ruwaayaddii Waa Maadeys Adduunyadu Dadkuna Wuu Metelayaa.  Eeg weerarka Ruushlu ku qaaday Ukraine; eeg sida dowladaha Soomaaliya deriska la ah u soo galeen Soomaaliya iyagoo cuskanaya sababo amni sida in Soomaaliya aysan lahayn dowlad ilaalin karta qarannimada dalka.

Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo 1959kii New York kula kulmay madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Dwight David Eisenhower.

Bahru Zewde, taariikhyahan Itoobiyaan ah, wuxuu ku qoray A History of Modern Ethiopia,1855-1991 in Imbaradoor Haile Selassie (Xayle Salaase) uu 1945kii la kulmay Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Franklin D. Roosevelt, siiyay shirkad Maraykan ah Sinclair xuquuq ay dhulka Soomaali galbeed shidaal kaga baarto, taasina uu Imbaradoorkii Itoobiya uga gol lahaa “inuu sugo in dhulkaas ka mid yahay Itoobiya” (bogga 185, daabacaadda labaad).

Haile Sellasie iyo Menelek dood qarannimo ku salaysan bay adeegsadeen si ay u sheegtaan dhul Soomaali ku nooshahay.

Atul Kohli oo ah bare-sare wax ka dhiga Jaamcadda Princeton (Princeton University) wuxuu ku tilmaamay qarannimo ‘hanti qaran’.  Kohli wuxuu ku dooday in Biritayn  iyo Maraykanku hor istaageen in bulshooyinkii beerlayda ahaa u gudbaan casriyeyn oo yeeshaan warshado, sidaas darteedna ay labadaas dal abuureen waxa loo yaqaanno dalalka soo koraya (developing countries).

Inay Somaliland sheegato inay qarannimada Soomaaliya wax ku leedahay ayaa ka habboon inay ku dooddo inaysan Soomaaliya ka mid ahayn waayo maamulka qarannimo jirta sheegta ayaa ka culeys siyaasadeed badan kara mid sheegta qarannimo aan la aqoonsanayn. Maamulka Somaliland oo aan ka tanaasulaynin  doonistiisa goonni-isu-taagga wuu dhowri karaa waajibka uu sharciga caalamigu saarayo haddii himilada reer Somaliland tahay inay noqdaan dal madaxbannaan oo Afrika ka mid ah. Waa in dowladda Somaliland caddayso inay dhowrayso  baaqyada Golaha Ammaanka ku saabsan Qarannimada Soomaaliya. Labada faa’iido ugu yar ay dhowrista qarannimada Soomaaliyeed leedahay waa: (1) in maamulna uusan dejinin siyaasad qof Soomaaliyeed si qasab ah looga barakicinayo meel ka mid ah dalkiisa, (2) iyo in dal kale uusan qabsanin dhul berri ama bad ah oo ka mid ah Soomaaliya. Maaddaama aysan nala qumanaynin inaannu ku doodno in xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa ay ka billaabato meeshii ay ahayd ka hor inta aan Haud & Reserved Area lagu darin Itoobiya, ma jirto sabab sharciyeed oo aannu ugu dagaallami karno xuduudo ay Biritayn iyo Talyaanigu samaysteen markii ay dhulka Soomaaalidu ku nooshahay ka gumaysanayeen. Waa laga wada hadli karaa aayaha midowga siyaasadeed Soomaalida.

Hadda Somaliland way aamminsan tahay inay Soomaaliya ka mid tahay. Haddii ay si rasmi ah u shaaciso inay dhowrayso baaqyada Golaha Ammaanka laakiin ay doonayso wadahadallo kama dambays ah ku saabsan aayaha midowga Soomaaliya, Somaliland waxay dunida tusi doontaa in Soomaalidu xal u heli karto dhibaatooyin siyaasadeed oo dalalka Soomaalida danaha ka leh u arkaan kuwo sii jiristoodu baabbi’in karaan gebi ahaanba qarannimada Soomaaliya. Hadda Soomaaliya waxay ku hoos jirtaa Chapter 7 ee Cahdiga Qaramada Midoobay oo loo isticmaalo dal halis ku ah nabadda dunida. Waa sababta uusan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maamulka Somaliland u xusuusinin ilaa hadda waajibka ka saaran dhowrista xuquuqasha asaasiga ay qarannimada Soomaaliya farayso, laakiin uu Madaxwenuhu  raalli ka yahay in dowladdiisu magaca Soomaaliya kula gasho shirkado shisheeye heshiiyo shidaal baaris, u oggolaato ciidammada dalal kale inay Soomaaliya ka hawlgalaan. 

Maamulka Somaliland fursad weyn ayuu haystaa uu  Soomaaliya kaga badbaadin karo colaad aan ku salaysnayn is difaacid qaran, isla markaasna ay taageeri karto dadaalka dadka Sool ay kaga baaraan-dagayaan sida ay nabad ugu wada noolaan karaan, kagana maarmi madax-dhaqameedka doonaya inay talada siyaasadda yeeshaan sidii odayaashii Waqooyiga ku maamuli jiray habkii xukunkii dadbanaa ka hor 26kii Juun 1960kii. Halis ka weyn ma jirto dunidan maanta in qarannimo bannaaanka laga istaago. Waa inaynan ku celinin gefefkii siyaasadeed dhacay ku dhowaad 77 sano ka hor.

libahm@gmail.com