Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa ka laabtay magacaabis uu sameeyay Todobaadkii hore kadib markii muran xooggan ka dhashay.
Wasiirka ayaa maalmo ka hor ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta u magacaabay Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar waxaase tallaabadaas ka dhashay muran la xiriira dhinaca sharciyadda.
Intaas kadib wasiirka ayaa ka noqday go’aankii hore waxaana uu ku simaha Agaasimaha guud ee Qorshaynta u magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed oo ahayd Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaarada.
Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali ayuu dhawaan shaqada ka joojiyay wasiir Maxamed Siciid islamarkaana amray in baaritaan lagu sameeyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.