Puntland oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamadda Dastuuriga ah

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ansixiyay 4 xubnood oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah.

43 mudane ayaa oggol ugu codeeyay 43, halka ay diideen 3 mudane, waxaana ka aamusay 2 mudane, iyadoo ay fadhiga joogeen 48 xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xubnaha xasaannada helay oo goobta lagu dhaariyay ayaa kala ah Garsoore Ismaaciil Cabdullahi Cilmi, Garsoore Aadan Cumar Maxamed, Axmed Xuseen Maxamed ( Soomaali) iyo Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Qaanuuni).

Waa markii ugu horreysay oo Puntland yeelato Maxkamad Dastuuri ah, kaddib muddo ka badan 23 sano oo ay jirtay.

PUNTLAND POST