
Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaa shidaalka, waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.
Madaxweyne Deni oo maanta hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.
“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya,….sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
PUNTLAND POST