Shaqaaqo ay sababtay dowladda Federaalka oo ka dhacday Boosaaso

Israsaaseyn u dhaxaysay ciidamada amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo ciidamada PSF ayaa ka dhacday afaafka hore ee garoonka.

Is-rasaaseynta ayaa bilaamatay kaddib markii ciidamada PSF ay isku dayeen in ay gudaha u galaan garoonka oo loo diiday in ay ka soo degto diyaarad ay wadatay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Waxaa jira khasaare ka dhashay is-rasaaseynta ciidamada, kaas oo soo gaaray labada dhinac iyo dad shacaba.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa waday gargaar yar oo dowladda federaalka Soomaaliya u soo dirtay Puntland, kaas oo la mid ahaa kii ay dhawaan keentay magaalada Garowe.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa hadda ah kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay dalka ka wada maqan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST