Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xoghayaha joogtada ee xafiiskiisa, la-taliyeyaal, afhayeen iyo agaasimeyeyaal ka tirsan xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaay Maxamed Abuukar Subeyr.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la-taliyihiisa dib u heshiisiinta u magacaabay Cali Cabdi Awaare, halka Kamaal Guutaale uu u magacaabay la-taliyihiisa ammiga. Sidoo kale la-taliyihiisa arrimaha siyaasadda iyo iskuduwida barnaamijyada ayuu u magacaabay Dr. Axmed-nuur Maxamed Cabdi, halka uu Dr. Hodon Cismaan u magacaabay la-taliyihiisa arrimaha xiriirka caalamiga.

Dhanka kale wariyihii BBC-da Farxaan Maxamed Jamcaale ayaa loo magacaabay afhayeenka ahna agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Agaasimaha habmaamuuska ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Shariif Cabdi, halka agaasimaha maamulka iyo maaliyadda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay Haashim Maxamed Cabdi.

PUNTLAND POST