Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya guddiga dib u eegista dastuurka

Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansaxiyay xubnaha ku matalaya guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa ka kooban 5 senator, oo kala ah:

1. Senator Cabdi Xasan Cawaale
(Qaybdiid) oo ka socda Galmudug

2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo ka socda Jubaland

3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka socda Jubaland

4. Senator Saalax Axmed Jaamac oo ka socda Somaliland.

5. Senator Xasan Xuseen Xaaji oo ka socda Koonfur Galbeed.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood, waxaa dhiman 5 xubnood oo ka iman doona Golaha Aqalka Hoose.

PUNTLAND POST