Cabdiraxmaan Caynte oo isbarbardhig silloon sameeyay

Caynte wuxuu isbarbardhigay Nabi Maxamed iyo Madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho (Wararka PP) — Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka Cabdiraxmaan Ceynte oo u jawaabaya Billow Kerrow, siyaasi Soomaaliyeed, oo mar ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa adeegsaday weedh uu Abuubakar Asadiiq yiri geeridii Nabi Maxamed kaddib:

“Qofkii Maxamed caabudayow, Maxamed wuu geeriyooday, qofkii Alle caabudow Alle wuu nool yahay” ayuu Caynte ku qoray boggiisa Twitterka.

Billow Kerrow: “Soomaaliya way u darsan doontaa Madaxweyne Farmaajo.”

Caynte wuxuu ka jawaabayay hadal qoraal ah oo uu Billow Kerrow ku qoray boggiisa Twitter. “Farmaajo wuu tagay, waa Soomaaliya tan u darsan doonta” ayuu Kerrow qoray. Caynte waxaa lagu eedeeyay inuu meel-ka-dhac diin ku kacay waayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muu aha Nabi Maxamed.

Ilaa hadda Caynte raalligelin muu ka bixin hadal aad uga yaabiyay culaamu’uddiinka Soomaaliyeed.

© Puntland Post, 2022