Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu qado in ay qabsoonto maalinta berriya.
“Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
Mr Daahir Maxamuud ma sheegin haddii ay jirto cid uu u tanaasulay balse keliya wuxuu xaqiijiyay in uu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale xildhibaannada Baarlamanka ayuu ka codsaday “in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay”
PUNTLAND POST