Ra’iisul Wasaare Rooble oo eryay Wakiilka Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ka eryay Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira.

Danjire Francisco Madeira ayaa la sheegay in uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxaana la faray in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo”.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii November ee sanadkii hore (2021) sidaan oo kale dalka uga eriday Simon Mulongo oo ahaa Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika.

PUNTLAND POST