Al-shabaab beenisay warkii ka soo baxay hay’adda NISA

Ururka Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkii xalay ka soo baxay hay’adda Sirdoonka NISA oo ay ku sheegeen in Al-shabaab beegsan rabaan madaxweyne Farnaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Al-shabaab ayaa sheegtay in aysan hay’adda NISA ogaan karin xogta ku saabsan qorshayaasha Al-shabaab ee la xiriira dilalka iyo qaraxyada mas’uuliyiinta dowladda balse warkii xalay uu yahay mid muujinaya in NISA shirqool la beegsan rabto madax sare oo khilaaf kala dhexeeyo.

“Hadalka kasoo yeeray sirdoonka ridada wuxuu noola muuqdaa mid salka ku haya mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu sareysa ridada” ayaa laga soo xigtay Al-shabaab.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa caddaysay in uusan jirin nin lagu magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan ururkooda islamarkaana loo xil-saaray dilka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Puntland Post