Madaxweyne Deni oo kala qaybiyay PSF, dibna u magacaabay Maxamuud Diyaano

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa labo hay’adood u qaybiyay PSF, isagoo u kala magacaabay Maxamuud Diyaano iyo Aamiin Xaaji Khayr.

Gen. Maxamuud Diyaano ayaa loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces), halka Gen. Aamin Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

Wareegtada Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in dib laga soo saarayo xeer nidaamiye qeexaya kala xadeynta waajibaadka ciidamada kala duwan ee Puntland.

Magacaabista iyo isbaddelka PSF ayaa ku timid wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen isimo uu ka mid yahay Boqor Burhaan oo maalmihii la soo dhaafay u socday Madaxweyne Deni iyo Gen. Maxamuud Diyaano.

Heshiiska Madaxweyne Deni iyo Gen. Maxamuud Diyaano ayaa soo afjaraya khilaafkii ka dhashay hay’adda PSF ee sababay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii sanadkii hore.

Hoos ka akhri wareegtada magacaabista iyo isbaddelka PSF

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST