Ciidamada Kenya oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo afar gaaraya ay ku dileen deegaanka Sarira ee u dhow Keymaha Boni, ee gobolka xeebta dhaca ee Lamu oo daris la ah Soomaaliya.

War ka soo baxay ciidamada Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen in ay ka gudbaan xadka ay wadaan Kenya iyo Soomaaliya shalay oo sabti ahayd, kuwo kale oo dhaawacyo qabana ay u baxsadeen dhinaca xadka Soomaaliy iyo Kenya.

Sidoo kale, Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidankeeda intuu uu socday howlgalka ay Kenyaanka ka wadeen deegaanada xudduuda la leh Soomaaliya.

Militeriga Kenya ayaa sheegay in ay sare u qaadeen ammaanka magaalo xeebeedka si looga hortago argagixisada Al-shabaab  inay weeraro ka geystaan gudaha dalkaas.

PUNTLAND POST