PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Markab Imaaraati ah oo ay afduubeen Burcadbadeed Soomaaliya

Share

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa sabtidii  afduubay markab xamuul oo fadhigiisu yahay Imaaraadka, kaas oo marayay xeebaha dalka Yemen, sida ay sheegtay hay’adda badda ee Ingiriiska (UKMTO).

Markabka oo lagu magacaabo Marsa Virgo ayna leedahay shirkadda Marsa Ocean Shipping ee Imaaraadka ayaa ku gooshayay calanka Panama, iyada oo ay saarnaayeen 19 shaqaale, kuwaas oo aan weli la xaqiijin dalalka ay u dhasheen.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in markabka ay afduubteen lix nin oo Soomaali ah oo markii hore ka baxay xeebaha Puntland, kaddibna u gudbay Yemen, kuwaas oo dhexgalay Soomaalida qaxootiga ah ee koonfurta Yemen si aan loo ogaan.

Dhacdadan ayaa timid, xilli Puntland dhawaan sheegtay in ay deegaannadeeda ka sifaysay Burcadbadeedda, kaddib markii ay furatay dhowr markabka oo lagu haystay xeebaheeda.

Kooxaha Burcadbadeedda ayaa hore xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Galmudug ugu haystay markabka Asana, kaas oo ay kala carareen xeebaha Puntland.

PUNTLAND POST