Waqtiga doorashada Golaha shacabka oo la kordhiyay

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa caawa habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin muddeynta soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka iyo xal u helista arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Golaha ayaa isku raacay in doorashada kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022.

Sidoo kale Golahu waxay go’aamiyeen in Ra’iisul Wasaare Rooble oo la tashanaya Madaxweynaha Jubaland uu diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad Jubaland ee Garbahaarey, kaas oo ka kooban xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.

Golaha waxay sheegeen in xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada ay sababtay in doorashada Golaha Shacabka ku soo dhammaan weydo xilligii loo qorsheeyay ee 25ka Febraayo 2022.

PUNTLAND POST