Asaasaha Hiraal Institute oo iska fogeeyey warbixin ka beensheegtay Puntland

Warbixinta Hiraal Institute waxay baalmarsan tahay hababka cilmibaarista iyo xog-ururinta.

Muqdisho (Wararka PP) — Asaasaha Hiraal Institute Maxamed Mubarak ayaa iska fogeeyey warbixin machadku ka qoray sida Al-shabaab hubka u hesho una canshuurto ganacsiyada Soomaaliya. “Sidee warbixin noocan ah u qori kartaa adiga oo aan dowladda siinayn xaqa ay su’aalo kaga jawaabi karto?” ayuu Mubaraak ku qoray Twitter.

Asaasaha Hiraal Institute oo taageeray warbixinta Puntland Post.

Mubaraak, oo xiganaya war Puntland Post ay ka qortay warbixinta Hiraal Institute, ayaa gebi ahaan iska fogeeyey inuu kaalin ku leeyahay qorista warbixinta soo baxday Febraayo, 2022. “Waxaan Hiraal Institute ka tagay bishii Abriil, 2021kii. Wixii su’aalo ah, u dir kooxda hadda joogta Hiraal Institute” ayuu Mubaraak qoray.

Mubaarak oo iska fogeeyay warbixinta Hiraal Institute.

Warbixinta Hiraal Institute waxay Puntland ku tilmaantay inay xuddun u tahay hubka Al-shabaab ka hesho dibedda, kana iibsato hub iibiyeyaal ku sugan Puntland, tanina ay kobciso awoodda hawgallada iyo canshuur ururinta ay Al-shabaab ka fuliso guud ahaan Soomaaliya.

Warbixinta Hiraal Institute waxay Deni si dadban ugu eedeysay inuu kobcinayo awoodda Al-shabaab ku fuliso hawlgallada iyo canshuur ururinta cabsigelinta ku salaysan.

Maamulka Puntland weli kama jawaabin warbixin lagu soo beegay ololaha doorashada uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u diyaargaroobayo. Hiraal Institute wuxuu xarun ku leeyahay Muqdisho.

© Puntland Post, 2022